
Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo lagu baacsanayo Al-shabaab saakay ka billaabay deegaanka Bukure oo hoostaga degmada Maxaas.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka Bukure oo qeyb ka ahaa howlagalka lagu baacsanayo Argagixisada ayaa SONNA u sheegay in dagaalka ay saakay Ciidanku la galeen Al-shabaab uu ahaa mid culus, isla markaana cadowga lagu gaarsiiyay jab aad u xooggan.
Dagaalkan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiil ciidan ayaa maalmahanba ka socday inta u dhexeysa Baladweyne iyo degmada Maxaas, halkaas oo lagu laayay xubno badan oo ka tirsanaa Argagixisada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







