Kusimaha Taliyaha Booliska Jubada Hoose oo Kormeeray dhismaha Wadada Buulo Gaduud–Afmadow

0
111
Kusimaha Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Kabtan Cumar Xujaale Cabdi oo ay wehliyeen saraakiil kale oo katirsan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, ayaa booqasho shaqo ku tagey deegaanka Dhasheeg Waamo iyo wadada isku xirta Buulo gaduud iyo Afmadow, taas oo dhismaheedu uu meel wanaagsan marayo.
Dhismaha wadadaan oo Dawladda Jubaland ay ku dhiseysa si isku tashi ah, ayaa muhiim u ah isku socodka shacabka iyo xoojinta amniga guud ahaan deegaannadaasi, taas oo muujinaysa dadaalka xooggan ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku xirka gobollada.