Jubbaland oo Shir Degdeg ah Ka Yeelatay Qeyla-dhaanta Oonka iyo Harraadka Ka Jira Deegaanada qaar

0
218
Maalmihii Lasoo dhaafay deegaanada Jubbaland waxaa isasoo tarayay qeyla dhaanta ka imaaneysa Dadka reerguuraaga iyo kuwa dagan dhulka Xeebaha Gobolka Jubada Hoose taasoo ay kaga cabanayeen Oonka iyo Harraadka ka jira Deegaanadaasi, waxaana maanta arimahaasi shir dag dag ka yeeshaay Masuuliyiinta Dowlada Jubbaland.
Shirkan oo ahaa mid dag dag ayaa waxaa isugu yimid gudi gaar ah oo ay Dowlada Jubbaland u magacoowday Wax ka qabashada qeyla dhaanta bulshada ee ku aadan oonka iyo Harraadka ka jira Gobolada Jubbaland.