Xubno ka tirsan khawaarijta oo isku dhiibey ciidamada Daraawiishta dowladda Jubbaland

0
220
Labo xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta oo lagu kala magacaabo Axmed mustaf aden iyo Ismaciil Aadan Ibraahim ayaa  isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanka Baar-Sanguuni.
Mid ka mid ah maleeshiyaadka ayaa watay qori BKM ah, halka kan kalena uu watay qori AK-47 ah.
Maleeshiyaadka naflacaariga ah ee Khawaarijta ayaa muddooyinkii dambe si isdaba joog ah isugu soo dhiibayay Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka, kaddib markii ay u adkeysan waayeen howlgallada culus ee ka dhanka ah, kuwaas oo lagu baacsanayo meel kasta oo ay joogaan.