
Gaadiid gaaraya ilaa sadex gaari oo loogu talagalay in loogu adego Bulshada Jubbaland ayaa waxaa la wareegay Wasaaradaha Beeraha, Biyaha iyo Gargaarka, kuwaasi oo ay kala wareegeen Hay’ada GIZ.
Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo waraabka Dowlada Jubbaland Geelle Muxumad Aadan ayaa oga mahadceliyay Dowlada Jarmalka iyo Shacabkeeda sida wanaagsan ee ay u garab taagan yihiin Dowlada Jubbaland waxaana uu sheegay in gaadiidkan loogu adeegi doono Bulshada Jubbaland.
Hay”adaha Deeqbixiyayasha taageera Jubbalaland oo ugu horeeyso Hay”ada GIZ ayaa dhowr jeer oo hore gaadiid ugu deeqay Dowlada Jubbaland.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







