Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo Kismaayo ka furtay Tababar lagu xoojinayo Adeegyada Hooyada iyo Dhallaanka

0
232
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ka furtay tababar ku saabsan xirmooyinka adeegyada caafimaadka degdegga ah ee la xiriira taranka, kaas oo lagu xoojinayo aqoonta iyo tayada adeegyada la siiyo hooyada uurka leh iyo dhallaanka.
Tababarkan waxaa si rasmi ah u furay Kusimaha Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska, Dr. Mu’ad Dek Salad, iyadoo ay ka qeyb galeen: Madaxa Caafimaadka Taranka Marwo Najmo Cabdiqadir, Agaasimaha Waaxda Xaaladaha Caafimaadka Degdegga ah Dr. Maxamed Shaciye, Isku-duwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose Cabdirisaaq Jaamuus Iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.
Tababarkan oo socon doona muddo afar maalmood ah, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaraya daryeelka caafimaad ee hooyada inta lagu jiro uurka, marka ay umuleyso iyo daryeelka ilmaha marka uu dhasho, si loo yareeyo dhimashada hooyada iyo dhallaanka.
Mas’uuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay in tababarkani uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda ee lagu horumarinayo caafimaadka qoyska iyo sare u qaadista adeegyada la gaarsiiyo bulshada.