Ururka Haweenka Jubbaland oo Wacyigelin Amni ka Bilaabay Kismaayo

0
249
Ururka Haweenka Jubbaland oo kashanaayo Maamulka Degmada Kismaayo iyo laamaha amniga Booliska ayaa kulamo looga hadlaaye ka wacyi galinta dhalinyaradda sameeya fafalka lidka ku ah amniga la yeeshay Culimada Odayasha dhaqanka Ganacsatada Degmada Kismaayo.
Ololahan wacyigelinta ah ayaa diiradda lagu saaray ka hortagga iibka sharci-darrada ah, gaar ahaan moobilada la soo xaday iyo in dhalinyaradda loga wacyi galiyo fafalka xun xun.
Mas’uuliyiinta ayaa ku boorriyay ganacsatada in ay ka fogaadaan ka ganacsiga hanti dadka kale laga dhacay, isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo yareeyo dambiyada la xiriira xatooyada qalabka elektarooniga ah.