Golaha Wakiilada Jubbaland oo Aqrinta Koowaad Marsiiyay Xeerka Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka

0
160
Gudiga jogtada ee Gollaha wakiilada Dowlada Jubbaland oo uu shir gudoominaaye Gudoomiye ku xigeenka 1 Aad ee Gollaha wakiilada Hiirad Ismaaciil Maxamed ayaa manta aqrinta Kowaad marsiiye Xeerka Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka oo ay soo gudbisay wasaaradda Caafimaadka Jubbaland
Wasiirka wasaaradda Caaafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlada Jubbaland Ismaciil Axmed Garas ayaa gudiga ka codsatay mel marinta Xeerka Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka
Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed Gudoomiyaha gudiga Arimaha Bulshada Gollaha wakilada Jubbaland ayaa sharaxay Xeerka Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka ee wasaaradda ay horgeyse