
Ciidamada kala duwan ee Dowladda Jubbaland oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), gaar ahaan Qaybta 43-aad iyo Kumaandooska Danab ee Ururka 162-aad, ayaa howlgal qorsheysan oo ballaaran ka fuliyey tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkan oo ka dhacay deegaanada kala ah Muuse Xaaji, Araare, Koban, Bangeeni, Maleyleey, Baladu-raxma iyo Degeyga Maam-bile, ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ku lahaayeen tuulooyinkaasi, kuwaas oo ay u adeegsan jireen in ay ka soo abaabulaan weerarro.
Geeska kale, Ciidamada isbahaysan ayagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, waxa ay fuliyeen duqeymo culus, waxaana xusid mudan in saldhigyadii cadowga ee ku yaallay deegaanada la beegsaday gabi ahaanba la burburiyey, iyadoo ciidamada ay ku guuleysteen inay meesha ka saaraan awooddii iyo dhaqdhaqaaqii ay halkaasi ku lahaayeen Khawaarijta.
Intii uu howlgalka socday, waxaa lagu dilay horjoogayaal muhiim u ahaa argagixisada, iyo tiro kale oo dhaawacmay, waxaa kale oo howlgalkan lagu qabtay rag maxaabiis ah oo kooxda u qaabilsanaa miinada, ciidama ayaana fashiliyay tiro miinoyin oo lagu talagalay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Saraakiisha Ciidamada hogaaminaya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo nabad-diidka, ilaa laga xaqiijiyo in deegaanka laga sifeeyo khatarta argagixisada, loona soo celiyo nabadda iyo noloshii caadiga ahayd ee shacabka.














