Wasaaradda xannaanada xoolaha Jubaland oo bilowday dejinta xeerka dawooyinka xoolaha.

0
2
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Jubaland ayaa  qabatay kulan muhiimka ah oo ku saabsan Dejinta Sharciga/Xeerka Dawooyinka Xoolaha, kaas oo si gaar ah diirrada u saaraya xoojinta iyo nidaaminta sharciyada ku saabsan daawooyinka iyo agabka xoolaha, taas oo ka tarjumeysa rabitaanka Jubaland ee ah in la xaqiijiyo caafimaad-qabka wanaagsan ee xoolaha, isla markaana laga hortago khataraha ka dhasha isticmaalka daawooyinka aan la hubin tayadooda.
Shaqada Wasaaradda ayaa tilmaamaysa in xoojinta nidaamyada sharciyeed iyo maamulka ay tahay habka ugu wanaagsan ee lagu ilaalin karo caafimaadka xoolaha, isla markaana loo xaqiijinayo mustaqbal waara oo ku saabsan dhaqaalaha Jubaland.