
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa kormeeray biyo-mareenka Waddada Hormuud, oo ah mid kamid ah goobaha muhiimka ah ee laga fulinayo hawlaha biyo saarka, nadaafadda iyo horumarinta bilicda magaalada.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd indha-indheynta heerka uu marayo shaqada biyo-mareenka iyo sidii loo hubin lahaa in howsha ay u socoto si habsami leh, taas oo qeyb ka ah dadaallada Dowladda Hoose ee Kismaayo ku xaqiijinayso nadaafad iyo biyo-mareenno si wanaagsan u shaqeeya, gaar ahaan xilliyada roobka.













