
Maamulka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo kulan ku yeeshay xarunta degmada Ceelwaaq ayaa ka arinsadey xaaladda adag ee abaaraha iyo bani’aadantinimo ee ka jira degmadaas.
Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sheegay in bulshada ku nool Ceelwaaq ay la daalaa dhacayaan biyo la’aan baahsan oo ka dhashay abaaro ka jira degmada kadib markii la waayay dhawr xil roobad.
Maamulka degmada ayaa ugu baaqay Dowladda Jubbaland iyo hay’adaha samafalka ee caalamiga ah in ay gargaar bani’aadantinimo oo wax ku ool ah la gaarsiiyo si loo yareeyo dhibaatada haysata bulshada deegaanka Ceelwaaq.















