Wasiirka Difaaca XFS oo bogaadiyay xoreynta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud,

393

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur  ayaa bogaadiyay xoreynta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, isagoo tilmaamay inay guushani farxad u tahay shacabka Soomaaliyeed jabna u tahay cadowga khawaarijta.

“Waa maalin kale oo farxad u ah shacabka Soomaaliyeed, jabna u ah cadowga khawaarijta ah, waxaana la xorreeyay degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud”

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Wiilasha la qalday ee khawaarijta ugu baaqay inay kasoo laabtaan waddada hoogga iyo ba’a, isagoo dhanka kalena shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan la dagaallanka nabad-diidka.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayuu si gaar ah ugu mahad celiyay doorkii ay ku lahaayeen dagaalka khawaarijta, wuxuuna maamulka ugu baaqay in goobihii la xoreeyay ay ka sameeyaan xasilin iyo dib u dejin.