
Wasiirka wasaaradda Amniga Dowlada Jubbaland oo uu wehlinaayo Ku-simaha Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose ayaa dhagax Dhigay xarun Bolice Oo loogu adeegi doono Dadka dagan Tuulada Luglow iyo nawaxigeeda.
Dhismaha xaruntan Bolice ka ayaa loogu talagalay in loogu adeego dadka kunool Tuulada Luglow ee duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay degan yihiin Dad ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa dib ugu soo labtay Jubbaland.
Wasiirka Amniga Jubbaland, Mudane Yuusuf Xuseen Dhuumaal iyo Ku-simaha Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Kabtan Cumar Xujaale Cali ayaa sheegay in si dag dag lo dhisi dono xaruntan Bolice ka si bulsha logu adeego.














