
Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa dayactir ku sameynaya Suuqa Caanaha ee magaalada Kismaayo.
Dayactirkan ayaa la doonayaa in kor loogu qaado adeegyada ganacsiga ee suuqa, lana hubiyo inuu si habsami leh u shaqeeyo, isla markaana uu yeesho bilic iyo nadaafad wanaagsan.
Guddoomiye ku xigeenka ahna Xoghayaha Dowladda Hoose, Mudane Daahir Xuseen Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada, Mudane Najiib Bare Salaad ayaa booqday Suuqa lagu ibiyo Caanaha ee Magalada kismaayo.
Mas’uuliyiinta booqday suuqa ayaa sheegay inu muhiim u yahay bulshada danyarta ee ku nool magaalada Kismaayo, gaar ahaan Haweenka ka ganacsada caanaha,













