Guddiga Kormeerka Xabsiyada Jubbaland oo Kormeer Ku Tegay Xabsiga Dhexe ee Kismaayo

0
75
Guddiga kormeerka xabsiyada ee Hoggaanka Bahda Caddaaladda Jubbaland, oo uu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, ayaa  sameeyay booqashadoodii ugu horreysay ee Xabsiga Dhexe ee magaalada Kismaayo.
Intii ay booqashada ku jireen, guddigu waxay si dhow u kormeereen qaybaha kala duwan ee xabsiga, iyaga oo sidoo kale indha-indhayn ku sameeyay xaaladda nololeed ee maxaabiista, adeegyada ay helaan, iyo barnaamijyada dhaqancelinta ee xabsiga ka socota.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Mudane Cabdullaahi Cabdiqaadir Aadan Qaanuni, oo qayb ka ahaa booqashada gudiga ayaa oga mahadceliyay guddiga dadaalkooda iyo sida ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. Wuxuu xusay in booqashadan ay muujinayso muhiimadda ay wasaaraddu siineyso hubinta tayada adeegyada xabsiyada iyo horumarinta nidaamka cadaaladda Jubbaland.