Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in ay Baaris lagu haayo Haweeney ilma yar ka Xaday Isbitaal ku yaala Muqdisho

456

Maamulka Gobolka Banaadir iyo taliska Booliska ayaa waxaa ay baaritaano ku hayaan Haweney Ilma yar Galabtii Khamiista aheyd ka xaday Isbitaalka Soos ee Magalada muqdisho.

Haweeneyda ayaa cunuga oo saacado kaliya dhalan xaday,waxaana howlgal la sameeyey laga soo qabtay Xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyada oo cunuga yar lagu wareejiyey Hooyada dhashay

Afhayeenka Maamulka Gobolkan Banaadir Saalax Xasan Cumar oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in baaritaan lagu haayo haweeneyda iyo dhowr qof oo kale oo ka mid ah qoyskeeda oo howlgalka lagu soo qabtay