Duqa Degmada Kismaayo oo Kormeeray shaqo ku tagay Dhismaha Wadada Kismaayo–Afmadow

0
266
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada ahna Xoghayaha Dowladda Hoose, Mudane Daahir Xuseen Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tagay dhismaha waddada isku xirta Kismaayo iyo Afmadoow, oo ka bilaabata Buula-gaduud una sii marta Janaa Cabdalle ilaa Afmadoow.
Waddadan oo ah mid istaraatiiji ah ayaa shaqadeedu meel wanaagsan mareysa, waxaana la filayaa in marka la dhammeeyo ay si weyn u fududeyn doonto isu socodka dadka iyo gaadiidka, isla markaana ay kor u qaadi doonto ganacsiga iyo isku xirka deegaannada ku teedsan.