Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubbaland oo daah-furay tababar ku saabsan Hanaanka Xil-wareejinta

0
264
Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland Mudane Siyaad Ibrahim Mohamed ayaa magaalada Kismaayo ka daah-furay tababar aqoon kororsi ah oo la xariira Hanaanka Xil wareejinta Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Jubbaland.
Furitanka aqon kororsiga waxaa qeyb galay dhamaan Agaasimeyaasha Guud ee wasaaraddaha Jubabaland, xubno ka tirsan Baarlamanka Jubbaland, Gudoomiye ku-xigeenadda guddiga iyo howl-wadeeno ka tirsan Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka.
Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubbaland Mudane Siyaad Ibrahim Mohamed ayaa agaasimyaasha la wadaagay muhiimada ay leedahay samaynta habraaca hagaya hanaanka hogaamineed ee xiliyada Iskushandhaynta Agaasimeyaasha guud kaas oo ilaalin doona badqabka hanaanka shaqo iyo hantida Dowladda.