
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa yeeshay Kalfadhiga Gudiga kaas oo lagu ansixiyey Xeerka Nabadgalyada Guud ee Wadooyinka Jubbaland, xeerkaas oo soo maray akhrinta iyo doodihii golaha, islamarkaana ay soo gudbisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Jubbaland Jubbaland.
Fadhiga oo uu shir-guddoomiyey islamarkaana daah-furay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Baarlamanka Dowlada Jubbaland oo uu wehliyey Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad, ayaa waxaa hortagay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, oo golaha u soo bandhigay warbixin dhammeystiran oo ku saabsan xeerka Nabadgalyada Wadooyinka.
Wasiir wasaarada Gaadiidka iyo Dulista hawada Dowlada Jubbaland Cabdullaahi Dhubad Shiil ayaa ugu horeen faafaahiyay Xeerkan iyo sida loogu talagalay in loogu dabaqo Sharuucda Nabadgalyada Wadooyinka
Intaas kaddib, Xubnaha Gudiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada ayaa su’aalo ka waydiiyey Wasiirka, waxaana dood iyo falanqayn kadib Golaha si aqlabiyad ah u meel-mariyeyeen xeerka,
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ayaa u mahad-celiyey Mudanayaasha Golaha Wakiilada qaabka hufan ee ay uga doodeen, islamarkaana ay u ansixiyeen Xeerka Nabadgalyada Wadooyinka, isagoo xuay in xeerkan uu wax weyn ka tari doono hannaanka nabadgalyada guud ee wadooyinka Jubbaland.
Xeerkan ayaa wax badan ka tari doona hormarinta iyo ilaalinta Nidaamka nidaamka iyo Sharciga wadooyinka taaso fududeen doonta ilaalinta Sharciga Wadooyinka.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







