
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Hon. Abdifatah Mohamed Mukhtar, ayaa soo xiray tababar labo maalmood socday oo ay magaalada Kismaayo ku qabteen Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ)Tababarkan oo loogu talagalay wariyeyaasha ku cusub xirxada saxaafada ayaa diiradda saaray anshaxa saxafiga, hubinta xogta, iyo doorka warbaahinta ee horumarinta bulshada.
Wasiirka ayaa sheegay in iskaashiga ka dhexeeya Wasaarada Warfaafinta Jubaland iyo ururrada madaxa-bannaan ee saxaafiyiinta uu muhiim u yahay kor u qaadista tayada iyo xirfadda wariyeyaasha. Wuxuuna ku ammaanay FESOJ dadaalka ay ku bixiyaan tababaridda suxufiyiinta, isagoo ku dhiirrigeliyay ka qeybgalayaasha inay aqoonta la siiyay uga faa’iideeyaan shaqadooda si hufan.
Prof. Cumar Cabdi oo ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in suxufiyiintu sii xoojiyaan aqoontooda si ay bulshada ugu adeegaan si xirfad iyo masuuliyad leh. Dhankiisa, Faraax Cumar, Xoghayaha Guud ee FESOJ, ayaa sheegay in tababarkani uu wax weyn ka beddeli doono xirfadda suxufiyiinta Kismaayo, gaar ahaan kuwa cusub ee warbaahinta kusoo biiray.









