Wasiirro ka tirsan Jubbaland oo kormeeray kanaal beereedyo waaweyn oo laga hirgelinayo deegaannada ku teedsan wabiga Jubba

0
86
Qaar ka mid ah golaha Wasiirrada dowladda Jubbaland oo ay ka mid yihiin wasiirada Qorshaynta, Beeraha iyo Amniga ayaa maanta booqday kanaal beereedyo waaweyn oo laga hirgelinayo deegaannada ku teedsan wabiga.
Kanaalkan cusub ayaa noqonaya mid wax weyn ka beddeli doona nolosha bulshada, maadaama uu gacan ka geysanayo kobcinta wax-soo-saarka beeraha iyo horumarinta dhaqaalaha deegaanka.
Intii lagu guda jiray booqashada, shirkadda gacanta ku haysa dhismaha mashruuca ayaa soo jeedisay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan marxaladaha uu marayo mashruucu iyo heerka uu hadda taagan yahay, iyadoo la tilmaamay in shaqadu si habsami leh u socoto.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu noqdo mid dhiirrigeliya isku filnaanta cunnada, abuura fursado shaqo, isla markaana kor u qaada isku xirnaanta bulshada iyo dowladda.
Booqashadan ayaa qayb ka ah kormeerka iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Jubbaland ka waddo gobolka, gaar ahaan kuwa la xiriira horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo kobcinta dhaqaalaha bulshada deegaanka.