
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa guddoomiyay shirka billaha ah ee shaqaalaha wasaaradda, kaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee wasaaradda magaalada Kismaayo.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Kusimaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda, Mudane Maxamed Cabdiqaadir, qaar kamid ah agaasime waxeedyada wasaarada, madax qeybeedyada, saraakiisha wasaaradda, iyo Iskuduwayaasha Caafimaadka gobollada iyo degmooyinka Jubaland, kuwaas oo qaarkood kulanka uga soo qaybgalay habka fogaan aragga.
Intii uu shirku socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixinnadii shaqo ee la qabtay bisha October, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray, Dardargelinta howlaha horyaalla wasaaradda, Ka gudbidda caqabadaha jira, Horumarinta adeegyada caafimaadka ee bulshada.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay shaqaalaha dedaalkooda, isagoo kula dardaarmay in la sii labo jibaaro dadaalka si shacabka Jubaland ay u helaan adeeg caafimaad oo tayo leh, la heli karo, oo waara.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







