Ciidamada Nabad Sugidda Jubaland, Kumaandooska Danab iyo Saaxiibada Caalamka oo Howlgallo Lagu Dilay 18 Khawaariij ka Fuliyey Deegaanno Hoostaga Jamaame.

0
172
Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland (JISA), Ciidanka Kumandooska Danab iyo Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo qorshaysan oo burburin ah ka fuliyay deegaano dhowr ah oo hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.
Howlgalladan ayaa si gaar ah looga sameeyay deegaanada Qoraxey, Siirey, Farbulaay, Turdho, Yiirey, Janaale Jaay, iyo Maleyley, halkaas oo lagu burburiyay godad ay ku dhuumaalaysanayeen kooxaha Khawaariijta ah.
Inta lagu guda jiray howlgalka, waxaa la xaqiijiyay in 18 xubnood oo ka tirsanaa Khawaariijta lagu dilay halka 32 kale lagu dhaawacay intii ay socdeen howlgaladan oo cirka iyo dhulka isugu jiray.
Ciidamada Dowladda Jubaland qeybahooda kala duwan iyo CXD waxaa ka go’an dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta, iyo ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah, si loo sugo amniga, xasiloonida, iyo nolol nabdoon oo shacabka Soomaaliyeed ay ku naaloodaan.