Wasiirka Tamarta Jubbaland oo xarigga ka jaray War-biyood cusub oo laga hirgeliyay deegaanka Kurun-uusle.

0
268

Wasiirka Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland, Mudane Ahmed H. Baraki, oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka tirasen Golaha wasiirada Jubaland, Xildhibaano, Agaasimayaal, injineeero, Taliyaha Aaga Galbeed Kismaayo iyo Bulshada Deegaanka, ayaa maanta si wadajir ah xadhigga uga jaray War-biyood cusub oo laga hirgeliyay deegaanka Kurun-uusle ee galbeedka magaalada Kismayo.

War-biyoodkan cusub ayaa leh awood uu ku qaadi karo in ka badan 8,000m³ oo biyo ah, waxaana loo dhameystiray dhammaan qaybihii muhiimka ahaa ee nidaamka biyaha.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah Barwaaqo Project, waxaana maalgeliyey Bangiga Adduunka, iyadoo ay hirgelisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubbaland.

Ujeeddada mashruucan ayaa ah in bulshada deegaanka ay helaan biyo, si kor loogu qaado nolosha iyo horumarka deegaanka.
Deegaanka Karan uusle, oo dhaca galbeedka magaalada Kismaayo, ayaa fursad u helay in laga fuliyo mashruucan muhiimka ah.