Raiisul wasaare Xamse oo Hambalyo udirey Ciidanka geesiyada Jubbaland iyo kuwa xoogga oo la wareegay deegaanka Buulo-Xaaji

34

Ra’iisaulwasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Bare ayaa Ciidanka geesiyada ee Jubaland iyo kuwa xoogga u diray hambalyo iyo bogaadin ku aadan la wareegitaanka Deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose oo 80KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo.

“Waxaan ku ammaanayaa saraakiisha hawlgalka hoggaamineysay iyo ciidamada sida geesinimada, Dadaalka iyo Daacadnimadu ku jirto uga xoreynaaya Khawaarijta deegaanada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan”

“Dowladdu gacan waxay kula diriraysaa Khawaarijta, gacanna waxay ku daryeelaysaa shacabkeeda, waxaana dadka iyo deegaankuba heli-doonaan adeegyada aas-aasiga ah sida waxbarasho, Caafimaad iyo Nabadgalyo si la mid ah deegaanadii kale ee laga xoreeyay Khawaarijta”
ayaa lagu yiri qoraal lagu faafiyay Baraha Bulshada ee Ra’iisaulwasaaraha Soomaaliya.