
Xildhibaan Hon Hassan Abdi Xasan Yare oo safar shaqo ku jooga Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa kulan ballaaran oo wadatashi ah la yeeshay qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is-xogwaraysi iyo falanqayn ku saabsan marxaladda guud ee dalka, gaar ahaan xaaladda dowladda Jubaland, oo muddadii la soo dhaafay ku jirtay dagaal siyaasadeed iyo mid ciidan oo lagu difaacayay jiritaankeeda iyo midnimadeeda.
Xildhibaan Xasan Yare ayaa tilmaamay in dadaallada iyo adkaysiga shacabka Jubaland ay horseedeen hirgelinta rabitaankii shacabka ee ku aaddanaa dowladnimo buuxda iyo xasillooni siyaasadeed.
Intii lagu guda jiray kulanka, Xildhibaanku wuxuu soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada Dhoobley — kuwa horey u qabsoomay iyo kuwa hadda ku jira marxaladda qorsheynta. Sidoo kale, wuxuu iftiimiyey doorka muhiimka ah ee degmada Dhoobley ku leedahay horumarka guud ee dalka, maadaama Soomaaliya ay hadda ku biirtay Ururka Bariga Afrika (EAC), taas oo fursad weyn u ah koboca dhaqaalaha iyo iskaashiga gobolka.
Xildhibaan Xasan Yare ayaa bulshada ku booriyay in ay sii xoojiyaan midnimada iyo wadajirka deegaanka, isla markaana ay si buuxda u garab istaagaan dowladda Jubaland ee ku hawlan difaaca jiritaankeeda iyo horumarinta shacabka.
Ugu dambayn, Xildhibaanku wuxuu u ballanqaaday bulshada Dhoobley in uu door muuqda ka qaadan doono horumarinta deegaanka iyo xaqiijinta xuquuqdooda sharciga ah.














