Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland oo shir muhiim ah ku qabatay Degmada Doolow kaa oo lagu falanqeeyay mashruuca DARISWACAN

0
258
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland ayaa qabatay shir looga hadlaayay mashruuca DARISWACAN oo ah mashruuc ka shaqeeya hormarinta Tuulooyinka ku teedsan degmooyinka Xuduuda dhaca ee Somalia, Kenya iyo Ethiopia, shirkan oo ka dhacay Degmada Dolow ee Gobalka Gedo ayaa looga dooday habsami u socodka mashruuca iyo kaalinta ay leeyihiin daneeyaasha mashruuca, sida Wasaaradaha ay gaarka u qusayso, maamulada degmooyinka, Bulshada iyo Hay’adaha fulinaya.
Kulankan muhiimka ah oo ay daah fureen maamulka degmada Doolow ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socday qaar kamid ah Wasaaradaha Jubbaland oo uu shirkan quseeyay.