
Wasiirka Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland, Mudane Ahmed H. Baraki, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Ahmed Noor (Siyah), Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, iyo masuuliyiin kale oo ka socda Wasaaradda, Ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday Hay’adda UNICEF Somalia.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda ay iska kaashanayaan Wasaaradda iyo Hay’adda Unicef, ee ka socda deegaanada Jubalanad sida: Kismaayo, Badhaadhe, Dhobley, Luuq, Elwak, Beledxaawo iyo Doolow.
Intii uu kulanka socday, Wasaaradda ayaa soo bandhigtay Waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshayaasha mudan in wax laga qabto si bulshada Deegaanadaasi ay u helaan Biyo Nadiif ah oo ay marwalba heli karaan.
Ugudambeyn, Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo mashaariicda biyaha iyo u adeegida bulshada reer Jubaland, si loo gaaro horumar waara.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







