
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubbaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Jubbaland, Guddoomiyaha degmada Kismaayo, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Batroolka Jubbaland, ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay xarun caafimaad oo cusub oo laga hirgelinayo deegaanka Dooxa Garasey.
Xaruntan caafimaad ayaa noqon doonta tii ugu horreysay ee si rasmi ah loogu dhiso deegaanka, waxaana la filayaa in ay si weyn uga jawaabto baahiyaha caafimaad ee muddada dheer haysatay bulshada deegaanka iyo tuulooyinka ku hareeraysan. Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland iyo bulshada deegaanka ayaa iska kaashan doona dhismaha iyo hawlgalinta xarunta.
Bulshada deegaanka Dooxa Garasey ayaa si diirran u soo dhoweeyay wafdiga, iyagoo bogaadiyay tallaabadan muhiimka ah, una arka in ay tahay horumar weyn oo dhanka adeegyada caafimaadka ah.
Intii ay masuuliyiintu ku sugnaayeen deegaanka, waxay sidoo kale booqdeen xarunta waxbarashada ee deegaanka, si ay ugu kuur galaan xaaladda adeegyada kale ee bulshada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







