Wasaaradda Caafimaadka Jubaland oo Kismaayo ku qabatay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Faraxalka Adduunka

0
217
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay xuska Maalinta Faraxalka Adduunka oo ku beegan 15-ka Oktobar, maalintaan oo si weyn looga dunida looga xuso sanad walba.
Munaasabada ayaa waxa kasoo qeyb galay qaar kamid ah mas’uuliyiin waaxeedyada Wasaaradda, Macalimiinta Scholada, Wakiillo ka socday hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya barnaamijyada nadaafadda.
Munaasabaddan ayaa lagu qabtay Iskuulka Ganaane iyo qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalada Kismaayo. Ujeeddada ugu weyn ayaa waxa ay ahayd wacyigelin ku saabsan muhiimadda dhaqidda gacmaha, si loo yareeyo halista jeermiska gacmaha ku uruura loona dhiirrigeliyo nadaafad joogto ah.
Halku-dhigga sanadkan ayaa wuxa uu ahaa: “Gacmo Nadiif ah – Mustaqbal Caafimaad Leh.”