Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland oo qabatay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan muhiimadda Hanti-dhowrka Gudaha iyo hufnaanta maaliyadeed

0
136
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland, Mudane Nuur Cumar Shalle, ayaa furay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan muhiimadda uu Hanti-dhowrka Gudaha u leeyahay Wasaaradda Maaliyadda, iyo hufnaanta maaliyadeed ee wada-shaqaynta kala dhexeysa wasaaradaha kale ee Dowladda Jubaland.
Aqoon-is-weydaarsigan oo uu taageeray Mashruuca Horumarinta Maareynta Kheyraadka Dadweynaha (SERP) ayaa si gaar ah diiradda u saaray kobcinta iyo iskaashiga ka dhexeeya wasaarada maaliyada iyo wasaaradaha kale, iyadoo lagu xoojinayo fahamka wada shaqaynta hay’adaha dawlada iyo isla xisaabtanka.
Tababarkan oo uu bixinayey Agaasimaha Waaxda Hanti-dhowrka gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdirashiid Ciise Xarbi, ayaa waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah howl-wadeenada wasaaradaha iyo madax qaybeedyada Wasaaradda Maaliyadda Jubaland.
Muddo saddex cisho ah ayaa aqoon-is-weydaarsigan lagu falanqeeyay fahamka hufnaanta maaliyadeed iyo turxaan-bixinta shaqooyinka hanti-dhowrka gudaha, iyadoo diirada lagu saarayey kor u qaadidda tayada shaqo iyo kalsoonida adeegyada maaliyadeed ee dowladda.
Ugu dambeyn, waxaa aqoon-is-weydaarsiga soo xiray Agaasimaha Waaxda Hanti-dhowrka gudaha, Mudane Cabdirashiid Ciise Xarbi, oo si gaar ah ugu mahadceliyay ka qaybgalayaasha iyo dhammaan xubnihii ka shaqeeyay guusha kulanka.