
Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Dowladda Jubbaland, Mudane Mohamed Osman jaamac, isla markaaana ay qeyb ka ahayeen wasiir ku- xigeenka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaryaha Jubbaland, Marwo Faduma Cali cabdikariin, Guddoomiye ku xigeenka Hormarinta mashaariicda iyo xiriirka Hay’adaha ee gobalka Gedo iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland ayaa soo gaaray Degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo.
Wefdiga ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda dowladda Jubbaland, Suleiman Maxamed Maxamud, Wasiiru-dowlaha Amniga Maxamed Cabdi kaliil, maamulka Degmada Ceelwaaq iyo Saraakiisha laamaha Amniga ee Degmada.
Wefdigaan oo uu hoggaaminaayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Jubbaland ayaa socdaal ku soo maray gudaha magaalada, iyaga oo ukuur galay xaaladda nooladeed ee Bulshada degmada Ceelwaaq.










