
Xildhibaan Maryan Abdi Farah oo ka tirsan Golaha wakiilada Dowladda Jubbaland oo shalay gaartay degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay kormeer guud ku samayay goobo kala duwan oo ay ka mid yihiin suuqa xoolaha iyo xarumaha danta guud .
Xildhibanada oo ka hadashay xaalada degmada Ceel Waaq Waxa ay sheegtay in xalada ay aad u adag tahay oo ay degmada ka jiraan xaalad biyo la,aan iyo in dad hor leh oo Barakac ay soo garayaan Degmada CeelWaaq.
Xildhibaanada inta ay joogta degmada CeelWaaq waxa ay sheegtay in kulumo kala duwan laqadan doonto qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada
Ugu dambeyn xildhibaanad Maryan Abdi Farah ayaa hay,adaha samafalka iyo dowlada Jubbaland ugu baaqday in gurmad deg ah lala soo gaaro bulshada degmada CeelWaaq ee Gobolka Gedo.
Wareysi gaar ah oo ay siisay radio kismayo ayey xildhibaanada arimahaas&kuwa kale kaga hadashay iyo waxa uu daaran yahay ujeedka socdaalkeeda …

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







