Shir Looga Hadlayay Amniga Garoomada Diyaaradaha oo Ka Qabsoomay Kismaayo

0
282
Waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo ka qabsoomay shir muhiim ah oo looga hadlayay amniga garoomada.
Shirka waxaa guddoominayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubaland, Maxamed Cabdi Salaad, waxaana sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Saacid Cabdullaahi Macalin, Taliyaha Amniga Garoonka Maxamed Xayi Bader, iyo xubno ka socda waaxyaha kala duwan ee wasaaradda.
Waxaa kulanka si gaar ah uga soo qayb galay khubaro ka socota Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, kuwaas oo kormeer iyo qiimeyn ku samayn doona habraacyada amniga iyo fududeynta howlaha safarka ee garoomada.
Shirkan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga dowladda Soomaaliya ee kormeerka amniga iyo badbaadada garoomada oo ay qaban doonto Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka Adduunka (ICAO Audit).
Khubaradu waxay sidoo kale bixin doonan tababaro ku saabsan amniga duulista rayidka, iyagoo hubinaya in nidaamyada garoomada dalka ay waafaqsan yihiin shuruucda gudaha iyo kuwa caalamiga ah.