dhagayso Qeybta 3-aad: barmaamij gaar oo aan ugu hadlayno ka-qaybgalka iyo shaqooyinka haweenka ee hay’adaha dowladda

0
562

barmaamij gaar oo aan ugu hadlayno ka-qaybgalka iyo shaqooyinka haweenka ee hay’adaha dowladda:
Haweenku waa laf-dhabarka bulshada, kaalintooduna waa mid aan la iska indha tiri karin, gaar ahaan dhanka horumarinta dowladnimada iyo adeegyada bulshada. Si loo gaaro horumar waara iyo bulsho isku dheelitiran, waxaa muhiim ah in haweenka lagu dhiirrigeliyo ka-qaybgalka iyo hoggaanka hay’adaha dowladda.
Barnaamijkan manta kaga hadlayna oo aan xooga saarayna sidii loo ballaarin lahaa ka-qaybgalka haweenka ee shaqooyinka dowladda iyo sidii loo abuuri lahaa fursado siman oo ay haweenku ku gaari karaan xilalka muhiimka ah sida agaasimeyaal, madax-waaxeedyo iyo shaqooyin kale oo hoggaamineed. Taageeridda iyo horumarinta awoodda haweenka waxay muhiim u tahay dhismaha dowlad hufan, ka jawaabidda baahiyaha bulshada iyo dhiirrigelinta sinnaanta jinsiga.