
Abdirahman Nuur Mohamud, oo ahaa madaxa barnaamijyada hay’adda Disability Aid Foundation, ayaa laga afduubay deegaanka Beerxaani ee galbeedka magaalada Kismaayo, xilli uu u adeegayay dad danyar ah, gaar ahaan kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.
Ehelada Abdirahman oo la xiriiray warbaahinta ayaa xaqiijiyay in kooxo argagixiso ah ay halkaasi ka kaxeysteen wiilkooda, iyaga oo sidoo kale sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ay jireen hanjabaado joogto ah oo loo dirayay.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa afduubkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, dad ay wada-shaqeeyaan oo aan la xiriirnay ayaa tilmaamay in afduubka Abdirahman la xiriiri karo diidmada ay argagixisadu ka qabaan nabadda, horumarka, iyo adeegyada bani’aadamnimo gaar ahaan kuwa lagu taageerayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Waxay sheegeen in shaqadiisu si toos ah u taabatay bulshooyin nugul, taasoo ka dhigtay bartilmaameed.
Hay’adda Disability Aid Foundation waa hay’ad diiradda saarta taageeridda iyo awood-siinta dadka naafada ah, iyada oo ujeeddadeedu tahay in ay horumariso ka-qaybgalka bulshada, helitaanka adeegyada aasaasiga ah, iyo difaaca xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Dhacdadan ayaa mar kale muujinaysa halista ay argagixisadu ku hayaan shaqada bani’aadamnimo iyo sida ay u carqaladeynayaan dadaallada lagu doonayo nabad, horumar, iyo daryeel bulsho gaar ahaan kuwa ugu nugul bulshada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







