
Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga Jubbaland Mudane Axmed Xasan Cumar ayaa kormeer Shaqo ku tagay Suuqa Kaluunka Degmada Kismaayo.
Kormeerkan ayaa ku soo beegmay xilli lagu guda jiro bad furan, taas oo sababtay in sare u kaco wax soo saarka kalluumeysatada Jubbaland, Wasiirka ayaa si dhow u indha-indheeyay xaaladda suuqa, tayada kalluunka la keeno, iyo duruufaha shaqo ee kalluumeysatada iyo ganacsatada ka shaqeeya Suuqa.
Wasiir Axmed Xasan Cabdi ayaa Waxaa kormeerka ku wehelinayay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Cumar Buni iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Maxamuud Axmed Cabdi iyo Howl-wadeeno katirsan Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Jubbaland.
Mas’uuliyiinta ayaa la kulmay qaar ka mid ah kalluumeysatada iyo ganacsatada, iyaga oo dhageystay talooyinkooda iyo baahiyahooda, sidoo kalena ka hadlay qorshayaasha wasaaraddu ugu jirto horumarinta iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee Jubaland.




