
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa laga daahfuray tababar diiradda lagu saarayo kordhinta tirada gabdhaha ka shaqeeya hay’adaha dowladda iyo sidii ay u heli lahaayeen jagooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Agaasime Guud, Agaasime Waaxeed, iyo Madax-qeybeed.
Tababarkan oo socon doona muddo dhowr maalmood ah ayaa waxaa soo agaasimay Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Jubbaland, iyadoo uu kaashanayo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Jubbaland.
Furitaanka tababarka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Jubbaland, qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud, iyo Ururada Bulshada Rayidka ah.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






