
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Jubbaland, Mudane Xareed Kilaas Cabdi, iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa kormeer shaqo ku tagay saldhigga Booliska Degmada Dhoobley iyo goobo loo qorsheeyay in laga dhiso xarumo cadaaladeed oo loogu adeegi doono bulshada.
Kormeerkan waxaa qeyb ka ahaa Taliska Booliska Degmada Dhoobley, saraakiil ka tirsan Taliska Booliska Jubbada Hoose, ururka haweenka, dhalinyarada, iyo xubno ka tirsan howl-wadeenada Wasaaradda Amniga.
Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd in lagu qiimeeyo xaaladda goobaha iyo diyaar garowga lagu hirgelinayo xarumaha adeegyada bulshada ee joogtada ah, si loo hubiyo tayadooda iyo waxtarkooda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







