Shirka Todobaadlaha ah ee Amniga Degmada Doolow oo Laga hadlay Ka Hortagga Hubka Sharci-darrada

0
417

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Doolow, Aadan Bare Cali, ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee lagu gorfeeyay xaaladda amniga magaalada Doolow iyo deegaanada hoos yimaada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga iyo ka hortagga fursadaha ay khawaarijtu ku carqaladeyn karaan xasilloonida degmada. Waxaa warbixinno ku saabsan xaaladda amniga laga dhageystay saraakiisha amniga iyo guddoomiyeyaasha xaafadaha.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in aan magaalada lagu soo gelin karin hub sharci-darro ah oo ka yimaada magaalooyinka kale ee gobolka, iyagoo ku adkeeyay in cid kasta oo lagu arko hub sharci-darro ah lala xisaabtamayo.