
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamad Cumar Bunu, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Kismaayo, isagoo faahfaahin ka bixiyay xaywaan weyn oo dhawaan kusoo caariyay xeebta Kiboora ee magaalada Kismaayo.
Xaywaanka oo markii hore dad badan ku tilmaameen “nibiri”, ayaa la xaqiijiyay in uu yahay nooc kale oo ka mid ah xayawaannada badeedka ee waaweyn ee ku nool gunta hoose ee badweynta, laguna magacaabo Shuxeed.
“Baaritaan ay sameeyeen khubaro ka tirsan Wasaaradda iyo la-taliyayaal dhinaca cilmiga badda ayaa caddeeyay in Xaywaankaasi uusan ahayn nibiri, balse uu yahay nooc kale oo badeed oo la yiraahdo Shuxeed, kaas oo caan ku ah inuu ku noolaado meelaha ugu hooseeya ee badda,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeen Maxamad Cumar Bunu.
Wasiir Bunu ayaa tilmaamay in dhacdada xaywaanka kusoo caariyay xeebta ay tahay mid aad u yar oo dhif ah, isla markaana laga yaabo in sababaha keenay ay la xiriiraan xaalado dabiici ah oo ka jira badda sida isbeddelka cimilada, cadaadiska biyaha ama xaaladaha deegaanka.
“Shuxeedku waa xaywaan waaweyn oo aan caado ahaan laga helin xeebaha, markaa waxaan u aragnaa arrin u baahan feejignaan iyo taxaddar, waayo baqtigiisa wuxuu soo jiidan karaa xayawaanno kale oo halis ah,” ayuu yiri Wasiir Bunu.
“Waxaan uga digaynaa shacabka in aysan u dhowaanin Xaywaankaasi ama aysan isku dayin inay taabtaan, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inuu sababo khatar caafimaad ama uu keeno xayawaan kale oo badeed oo khatar ku ah dadka xeebaha ku sugan.”
Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa sidoo kale sheegtay in ay wadaan dadaallo dheeraad ah oo lagu qiimeynayo xaaladda deegaanka badda ee ku xeeran xeebta Kismaayo, si loo ogaado haddii ay jiraan arrimo kale oo saameyn ku leh noocyada badeedka ee deegaanka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







