Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo sheegtay in qasaaraha dhimashada fatahaaduhu ay koroirtay

306

Hay’adda maaraynta musiibooyinka ayaa war ay maanta soo saartay ku sheegtay in qasaaraha dhimashada ee ilaa hadda laga diiwaan geliyey deegaanada iyo degmooyinka dalka ee fatahaadda iyo daadadku ku soo rogmadeen inay gaartay 42-qof, kuwaas oo badankood ku dhintay deegaanada Jubaland iyo Hirshabeelle.

Xasan Cabdulqaadir Ciise agasimaha xarunta hawlgalada gurmadka deg-degga ah ee hay’adda maaraynta musiibooyinka ayaa xusay in xaaladan fatahaadaha ay ku barkaceen ku dhawaad hal milyan oo ruux, kuwaas oo u baahan kaalmo, isagoo xusau in hay’addu ay samaysay gurmad lagu badbaadinayo nafta dadka ay waxyeeladu soo gaartay, ayna sii wadayso dadaaladeeda samatabixinta ah.

Dhinaca kale agaasimaha ayaa ka digay saamaynta ka dhalan karta roobab mahiigaana oo la saadaalinayo inay ka da’aan gobollada dalka, waxaana uu bulshada ku booriyey inay taxadar muujiyaan.