Dowladda Jubaland oo cambaareysay boobka dhulka iyo weerarka dadka shacabka ee daganaa Tarbuunka.

0
283

Dowladda Jubaland waxay tacsi u diraysaa qoysaska, ehelka iyo qaraabada dhibbanayaasha weerarka maanta lagu qaaday Xaafadda Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, oo ah deegaan ay ku nool yihiin kumannaan muwaadiniin ah oo iyadoo aan loo helin dib-u-dejin rasmi ah, Taliska eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo inuu si qasab ah ku xaraasho deegaanka ay ku nool yihiin.
Saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaa ku baahay guud ahaan magaalada Muqdisho boobka dhulka danta guud, iyadoo si qasab ah dadka looga saarayo guryahooda, isla markaana lacagaha kasoo xarooda xaraashka dhulka ay si toos ah ugu dhacaan jeebka eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ah mid ka baxsan hanaanka maaraynta dhulka danta guud iyo baahida dadka hadda dhulkaas ku nool ay u qabaan.
Dhammaan dhulka danta guud ee Taliska eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud uu xaraashay, lacagtii kasoo xarootay, waxaa uu u adeegsaday burburinta hanaanka Federaalka, sida weerarkii Raaskambooni iyo dagaallada uu hadda ka wado degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Sidoo kale, eedeysanuhu wuxuu lacagtan u adeegsanayaa doorasho boob ah oo aan la isku raacsanayn iyo dano shaqsiyeed.
Dowladda Jubaland waxay ugu baaqeysaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ay iska diidaan boobka dhulka danta guud iyo barakicinta dadka shacabka ah, iyagoo oo aan deegaan ay ku noolaadaan haysan laga barakicinayo guryahooda, isla markaana lacagaha dhulkaas lagu xaraashayo lagaga shaqaynayo burburinta dalka iyo dadka