Wasaarada Deeganka iyo dalxiiska Jubbaland oo Kismaayo ka bilowday qorshe lagu horumarinaayo deegaanka.

1117
Wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubaland ayaa manta waxaa ay  Geedo talaal ah qaybiyeen  dadka degan xaafadaha Midnimo iyo  Madiina ee Magaalada Kismaayo, waxaana geedahaan ay  wasaaradu ay ugu talagashay dhiraynta soo celinta  bilicda deegaanka.

Fahmo Maxamed Yuusuf oo ka mid  ah dadka ka faa’iidaystay qaybinta dhirta  ayaa bogaadisay dadaalka wasaarada deeganka iyo dalxiiska Jubbaland ugu jirto in gudaha magaalada lagu beero geedo dadka iyo deegankaba anfaca mustaqbalka,waxaana intaas raacisay hadii la joogto dadaalada noocaas ahna ay waxbadan ka tarikaraan kolayka ka jira magaalada.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha xaafada Madiina Xussein daa’uud Maxamed waxaana uu carabaabay in la joogteeyo qorshayaasha horumarineed ee dhinaca deegaanka.

Agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland Saynab Shariid Cige ayaa sheegtay in wasaarada ay bilowday sidii gudaha Kismaayo loo wadda dhirayn lahaa si wax looga qabto arimaha deegaanka iyo bilicda magaalada Kismaayo oo baahi wayn u qabta dhinaca dhiraynta.