
Wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubaland ayaa manta waxaa ay Geedo talaal ah qaybiyeen dadka degan xaafadaha Midnimo iyo Madiina ee Magaalada Kismaayo, waxaana geedahaan ay wasaaradu ay ugu talagashay dhiraynta soo celinta bilicda deegaanka.
Fahmo Maxamed Yuusuf oo ka mid ah dadka ka faa’iidaystay qaybinta dhirta ayaa bogaadisay dadaalka wasaarada deeganka iyo dalxiiska Jubbaland ugu jirto in gudaha magaalada lagu beero geedo dadka iyo deegankaba anfaca mustaqbalka,waxaana intaas raacisay hadii la joogto dadaalada noocaas ahna ay waxbadan ka tarikaraan kolayka ka jira magaalada.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha xaafada Madiina Xussein daa’uud Maxamed waxaana uu carabaabay in la joogteeyo qorshayaasha horumarineed ee dhinaca deegaanka.
Agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland Saynab Shariid Cige ayaa sheegtay in wasaarada ay bilowday sidii gudaha Kismaayo loo wadda dhirayn lahaa si wax looga qabto arimaha deegaanka iyo bilicda magaalada Kismaayo oo baahi wayn u qabta dhinaca dhiraynta.



![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







