isku-duwaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka dowladda Jubbaland ee degmad ceelwaaq oo xilkii la wareegay

0
341

Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa maanta lagu qabtay munaasabad xil-wareejin ah oo xilka lagu kala wareegay Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Jubbaland. Mudane Cali Nuur Maxamed Xuseen, oo ahaa isku-duwihii hore, ayaa xilka ku wareejiyay Isku-duwaha cusub, Mudane Cali Xasan Mahad.

Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Farah Moalim Bishar oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Dowladda Jubbaland, Xubno ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland, Mas’uuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Gedo, Maamulka degmada Ceelwaaq, Odayaasha dhaqanka, Ururka dhalinyarada iyo bahda caafimaadka degmada.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa la jeediyay khudbado lagu ammaanayay shaqada iyo dadaalka uu qabtay Isku-duwihii hore, iyadoo sidoo kale lagu soo dhoweeyay masuulka cusub. Waxaa lagu dhiirrigeliyay inuu sii wado horumarinta adeegyada caafimaad ee degmada, isla markaana uu xoojiyo wada-shaqeynta laamaha kale ee dowladda iyo bulshada deegaanka.