Wasiirka Qorshaynta Jubbaland oo Nairobi Kulan Kula Yeeshay Mas’uuliyiinta Safaaradda Switzerland

0
327

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland, Mudane Abdirahman Abdi Ahmed, oo uu wehelinayo La-taliyaha Madaxweynaha Jubbaland ee Arrimaha Siyaasadda, Mudane Mohamed Abdi Nor, ayaa maanta magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay mas’uuliyiinta Safaaradda Dalka Switzerland oo uu hoggaaminayso Madaxa Iskaashiga Horumarka Gobolka, Marwo Martina Durrer.

Inta lagu guda jiray kulanka, Wasiirka iyo La-taliyaha ayaa mas’uuliyiinta uga warramay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, gaar ahaan khalalaasaha iyo hubanti la’aanta siyaasadeed ee Dowladda Federaalka ay dalka gelisay, iyadoo dhowaan dagaal khasaare badan dhaliyey uu ka dhacay Gobolka Gedo ee Jubbaland.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu gorfeeyey hal-abuurka maalgashiga iyo qorshaha horumarineed ee Jubbaland, iyada oo la isla qaatay in la dardargeliyo wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhexeeya Dowladda Jubbaland iyo wakiillada caalamka.