
Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa markale amar ku bixiyay in la joojiyo diyaaradaha rakaabka ee tagi jiray degmada Dooloow ee gobolka Gedo. Amarkan ayaa afka looga sheegay Shirkadaha diyaaradaha ee rakaabka qaada.
Shacabka Gobolka Gedo ayaa waxa ay dhibane u yihiin Xasan Sheekh Maxamuud iyo Koox yar oo ka macaasheysa dhibaatada iyo hagar-daamada lagu wado Shacabka si loogu maquuniyo damaca guracan ee Xasan Sheekh Maxamuud ka leeyahay in uu ku qal-qal galiyo amniga iyo nabada ay haystaan shacabka gobolka gedo iyo guud ahaan deegaanada Jubbaland.
Shirar isdaba joog ah oo maalmaihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu go’aamiyay in saanad ciidan oo isugu jirta gaadiid iyo hub loo diro gobolka Gedo, gaar ahaan degmada nabadda ah ee Balad-Xaawo, kuwaas oo la doonayo in lagu waxyeeleeyo shacabka nabdoon ee gobolka Gedo.
Wararka ayaa intaa ku daraya in la diyaariyay saraakiil ciidan oo la rabo in lagu beddelo kuwa hadda ka howlgala deegaanada gobolka Gedo, kuwaas oo intooda badan ka hor yimid in gobolka dhiig ku daato, isla markaana si qoto dheer u fahmay siyaasadda isir-nacaybka ku dhisan ee uu Xasan Sheekh ku wajahayo deegaanada Jubaland.
Kooxda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ku jira Sanadkoodii ugu dambeeyay ee Mudo Xileedkooda ayaa raba in ay qalalaaso ka dhex abuuraan Bulshada wada dagan deegaanada Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo iyaga oo gobolka, dhan walbo ka saaray cunaqabateyn ay rabaan in ay ku cadaadiyaan Bulshada ka dhaadhicinta damacooda ay rabaan in ay kusii joogaan kursiga.
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Shacabka Jubbaland ayaa si weyn u fahamsan qorshaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ay rabaan in ay ku burburiyaan Nidaamka Dowladnimo ee Jubbaland Balse Madaxweynaha Jubbaland iyo Shacabka oo isku duuban ayaa u taagan difaacida Nabada ay heystaan Shacabka wada dagan deegaanada Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







