
Maxkmadda ciidamadda Qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta u fariisatay Garmaqalka 3aad ee kiis dil ah, kaa soo oo uu eedaysane ka yahay Maanbile Cali Faarax oo dhammaadkii sanadkii tagay ku dilay magaalada kismaayo, marxuum Cabdirisaaq Maxamed Cabdi.
Maxkamadda ayaa hore u soo dhageeysatay labadii fadhi ee hore oo ay soo gudbisay Xeer-ilaalinta iyo cadeymaha kiiskaan , iyadoona gabagbadii maanta ay dib xeer ilaalintu maxkamadda u soo gudbisay cadeymaha kiiskaan oo uu edaysanaha ka yahay Maanbile.
Garmaqalkaan oo maanta gabagabdiisu Maxkamaddu u fadhiisatay, waxa goob joog ahaa Gudoomiyaha Maxkamadda, Garsoorayaasha Maxkamadda iyo sidoo kale Xeer-ilaaliyaha Maxkamdda iyo ku-xigeenkiisa, Qareenka eedaysanaha iyo ehelladda marxuumka iyo eedayasnaha ayaa goob joog ahaa.
Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland G/le sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa ugu horeen furay fadhiga Maxkamada.
Xee-ilaaliyaha Maxkamadda G/le Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa dhankiisa fadhiga u soo gudbiyay cadeymaha kiiskaan oo uu eedeeysanaha ka yahay Maanbile Cali Faarax.
Qareenka difaacayay eedaysanaha Aadan Bahdoon Ibrahim ayaa dhankiisa Maxkamadda ka hor sheegay in Xeer-ilaalintu cadeymo ku filan kiiskaan ay san soo gudbin, taasi beddalkeedana uu eedaysanuhu yahay nin da’yar loona baahan yahay in xorriyaddiisa Maxkamddu siiso.
Aabaha dhalay marxuumka la dilay oo Maxkamadda goob joog ahaa ayaa sheegay in uu dooranayo in mag ama diyo la siiyo, diintuna ay u banaynayso ayna ku heshiiyeen eheladda eedaysanaha dilka geystay.
Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyn eedaysanaha weydiiyay waxa uu kacodsanayo maxkamadda iyadoona gabagabadii maxkamaddu ay halkaasi kuso xirtay fadhigii ay maanta

.














