Ururka naafada Kismaayo oo sheegay in dadka naafada laga qayb galin fursadaha Shaqo

1219

 

Ururka naafada magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dadka naafadaha eek u nool Kismaayo aan laga qayb galin fursadaha dhinaca shaqooyinka ee hay’adaha dowlada iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya deegaanada Jubbaland.

Gudoomiye Kuxigeenka ururka naafada Xussen Faarax Dirir ayaa Radio Kismaayo u sheegay in aan tixgalintii ay lahaayeen dadka naafada ah aysan helin naafada ku nool Jubbaland.

“Tababarada kama qayb galno,shaqooyinka dowlada kuma jirno,tixgalintii aan lahayn ma hellno”sidaas waxaa yidhi gudoomiye ku xigeenka ururka naafada Kismaayo.

Xussen Faarax Dirir ayaa sheegay in dadka shacabka ah ay gacan siiyaan naafada balse hay’adaha dowlada iyo kuwo samafalka ay dhaliilsan yihiin sida ay u ula shaqeeyaa,waxaana uu sheegay in hadda ay u taagan yihiin sidii loo meelmarin lahaa sharciga naafada qaranka ilaa heer federal iyo heer dowlad goboleed,marka uu sharcigaas uu meel marana ay ogaan-doonaan cidii gacan siinaysa dadka naafada iyo kuwo duudsiinaya xuquuqda iyo xaqa naafada ay leedahay.

“waxaan rabnaa marka uu dhamaado sharciga naafada somaliya oo ay naafada ka mid noqoto hay’adaha dalka,markaas ayaan rabnaa in kii noo xiiraayeyna in uu soo baxo,kii noo hool hoolayna uu soo baxo”sidaa waxaa yidhi gudoomiye kuxigeenka ururka naafada Kismaayo Xusseen Faarax Dirir.

Gudoomiye kuxigeenka naafada Kismaayo Xussein Faarax Dirir ayaa sheegay in ay bogaadinayaan wasaarada waxbarashada Jubbaland iyo Hay’adda LWF oo caruur badan oo naafa ah ka caawiyey dhinaca waxbaarshada halka hay’adda ADRA ay gacanta ku hayso Iskuul ay dhigtaan Caruurta qabta baahiyaha gaarka oo gaadhaysa 110 caruur ah.